Madaxweyne Biixi oo Cafis u fidiyay Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu wareegto madaxweyne, uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Madaxweynaha Muuse Biixi, ayaa cafis u fidiyay 546 maxbuus oo ah maxaabiista danbiyada fudud galay, munaasibada Ciidal-Odxada awegeed.

Wareegto uu ku saxeexanyahay madaxweyne Biixi oo ay madaxtooyadu baahisay, ayaa lagu sheegay in munaasibada Ciidal-Odxada awgeed, la sii dayn doono maxaabiista danbiyada fudud lagu xukumay.

Wareegtada, madaxweynaha ayaa waxay u dhignayd sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka;

Markaan Arkay:  Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddeedu tahay XIG/JSL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.