Baarlamaanka Puntland oo markale ku gacan-saydhay tallaabadii Deni

Garoowe (Aftahannews)- Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland, ayaa maanta soo saaray go’aan ay ku diideen in mar kale la hor horkeeno garsoorayaashii maxkamadda sare ee waayay codka kalsoonida golaha Wakiillada.

Baarlamaanku waxay sheegeen inaanu jirin qodob sharci ah oo bannaynaya in madaxweynuhu mar kale uu soo magacaabo, uuna golaha horkeeno, garsoorayaashii kalsoonida waayay.

Baarlamaanka Puntland waxay sheegeen in xubnihii waayay kalsoonida ayna wax shaqo ah qaban karin, waxayna madaxweynaha ugu baaqeen inuu soo magacaabo garsoorayaal cusub oo ayna ku jirin kuwii xasaanada waayay.

30 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland, ayaa go’aankan ku taageeray cod gacan taag ah. Waxaa diiday saddex xildhibaan, waxaana ka aamusay 7 xubnood.

Madaxweyne Deni, ayaa dhawaan dib u soo magacaabay garsoorayaashii kalsoonida waayay, isagoo doonaya inuu baarlamaanka mar kale horkeeno, si ay xasaanad u siiyaan.

Dhinaca kale, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, ayaa wada mooshin loogu yeedhayo madaxweynaha Puntland oo hadda dalka dibaddiisa ku maqan. Waxayna doonayaan in lala xisaabtamo.

Si kastaba ha ahaatee barlamaanka Puntland, ayaa u muuqda kuwa qaadaya tallaabooyin waawayn, xilli hore lagu dhaliili jiray inay ku dhex milmeen madaxtooyada.