Wasiir iyo Wasiir Ku-xigeen Xilka kula wareegay madal loogu Foolladeeyey Kobcinta wax-soo-saarka Beeraha

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha ee cusub Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo ku-xigeenkiisa Yurub Abiib Cabdi ayaa xilkii kagala wareegay wasiirkii hore ee Wasaaradda Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo Arbacadii lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi, taasoo sidoo kale loogu foolladeeyey dhaqaaq cusub oo laga filayo horumarinta wax-soo-saarka dalagga Beeraha iyo sidii uu dalku u gaadhi lahaa heer uu cunto kula soo baxo oo mudnaan weyn u leh siyaasadda xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddadii ay talada haysa mashaariic badan ka fulisay dalka.

Xafladan waxa ka qaybgalay xubno kamida Golaha Wasiirrada, madaxda Hay’addaha dawladda ee madaxbanaan, wakiillo ka socday Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee la shaqeeya Wasaaradda, masuuliyiinta waaxyaha iyo shaqaale weynaha Wasaaraddaasi, aqoonyahan iyo marti sharaf kale oo lagu soo casuumay.

Agasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay, ayaa si mug leh u soo dhaweeyey masuuliyiinta cusub ee xilalka la wareegay, wasiirkii horena uga mahad-celiyey intii wasaaradda uu hogaaminayey wada-shaqayntii wanaagsanayd iyo masuuliyaddii ku hagayey shaqada.

Agaasimaha ayaa sheegay in muddadii uu wasiirka la bedelay xilka hayey wasaaraddu hawlo badan qabatay, isla markaana uu si hufnaan iyo xilkasnimo leh u hogaaminayey Wasiirku, waxaanu wasiirka iyo ku-xigeenka cusub ugu bushaareeyey xayndaab shaqo oo ay ku diyaarsan yihiin hawl-wadeenno ka kooban maamul iyo shaqaale u carbisan shaqada ay qaranka u hayaan, isla markaana u baahan hogaamin iyo masuuliyad ku hagta adeegga ay umadda u hayaan, isagoo shaqaalaha kula dardaarmay inay ku soo dhaweeyaan wada-shaqayn wanaagsan iyo hufnaan.

Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha dibada, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Qorsheynta, Gaashaan-dhigga, ku-xigeenka waxbarashada, wasiir ku-xigeenka hawlaha guud, guriyeynta iyo dhulka,guddoomiyaha Hay’adda maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, guddoomiyaha rugta Ganacsiga iyo xubno ku hadlayey afka ganacsatada iyo haldoorka dalka oo xafladaasi khudbaddo ka jeediyey, ayaa duco iyo mahad-naq ku sagootiyey wasiirka hore xafiiska wareejiyey, waxaanay soo dhaweeyeen wasiirka iyo ku-xigeenka cusub ee shaqada la wareegay oo ay alle uga baryeen inuu ku asturo masuuliyadda loo igmaday.

Xubnaha golaha Wasiirrada iyo haldoorka madasha ka hadlay waxa kale oo ay labada masuul ee cusub kula dardaarmeen inay dedaal iyo tacab badan geliyaan wax-soo-saarka dalku sidii uu midho dhal fiican u yeellan lahaa, iyagoo ka faa’idaynaya mashaariicda ay xukuumaddu u qoondaysay horumarinta qaybtaasi. Waxa ay dhamaantood iska daba mareen oo ay tilmaamo iyo tusaaleyaal ka bixiyeen heerka baahida cunto ee waddanka ka jirta, marka loo eego isbedelka cimilada iyo culayska caalamka ka soo wajahay colaadda Ruushka iyo Yukrayn.

Wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac oo khudbad dheer ka jeediyey xaflada, ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, waxaaanu sheegay inay wax badan ka qabteen kobcinta iyo kor u qaadida wax soo saarka dalagga Beeraha, mashaariic badan oo lagu najaxayna u hirgaleen.

“waxaan xilka hayey toban bilood. Mudane wasiir iyo wasiir ku-xigeen waxaan idinku wareejinayaa xilkii iyo wixii aan hayey, qalab, gaadiid iyo wixii ee aan u hayey wasaaradda. ma jirto wax deyn ah oo lagu leeyahay wasaaradda oo aan maanta idinku wareejinayaa” ayuu yidhi wasiir hore Maxamed Xaaji.

Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac waxa uu sheegay in mashaariicda horumarinta beeraha ee miisaaniyada ugu jiray wasaaradda aan laga joojin, sababo la xidhiidha baahida loo qabo in la kobciyo wax-beerista iyo cunto soo saarka.

“Sanadka mashaariicdii horumarinta hay’addaha dawladda waa laga joojiyey, laakiinse nasiib wanaag wasaaradda Beeraha waxaan ku guulaystay in aan laga joojin, waxaana ku mahadsan madaxweynaha” ayuu raaciyey

Maxamed Xaaji Cusmaan waxa uu taxay oo faahfaahin ka bixiyey mashaariic kala duwan oo mucaawimo ah oo ay wasaaraddu ka heshay saaxiibadeeda caalamka, sida baanka adduunka iyo jimciyada quruumaha ka dhaxaysa “Beeraha dalkeenu waa laba nooc. Beer Waraab iyo Beer Roobaad. Nooca casriga ah ee wax beerashada anigu waan ka soo horjeedaa, waayo waxay innagu kalifaysaa in aynaan gacan bino-aadam ka bixin oo siidhka la inagu caawiyaa malaha raadhiis”

Wasiirka hore waxa uu tilmaamay in kumanaan kamida beeralayda dalka laga caawiyey siidhka iyo qodaalka Beeraha sanadkan gudihiisa, inkasta oo aanay beeralaydu helin roob ku filan meelaha qaarkood, isagoo bixiyey dareen ah inay roob-yaraantu kelifi karto in uu hooseeyo wax-soo-saarka Beeraha dalku, taasina loo baahan yahay in la qaado talaabo kasta oo lagu maareyn karo caqabaha soo waajahaya bulshada ku tiirsan beeraha.

Marwo Yurub Abiib Cabdi, wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaraddaasi oo hore ku-xigeen uga ahayd wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, ayaa madasha ka sheegtay inay wasaaraddan hore ula soo shaqaysay iyadoo aan xil wasiirnimo haynin, haatana ay ku faraxsan tahay inay masuuliyad wasiirnimo ku hogaamiso.

Wasiir Yurub, ayaa intaasi raacisay inay daacadnimo iyo alle ka cabsi ugu adeeggi doonaan umadda xilka loogu dhiibay “anigu afartii sannadood iyo lixdii bilood ee aan xilka hore hayey isma lihi qofna meelbaad ka riixday, ama aad cadaalad darro ku samaysay ama aad qof kale uga eexatay, iminkana waxaan filayaa in aanay iga suurto-gelayn, waayo xilka kitaab ayaa naloogu dhaariyey”

Eng. Cabdi Qaadir Iimaan Warsame wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta Beeraha oo madasha ka hadlay, ayaa ugu horayn shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda ka rajeeyey wada-shaqayn wanaagsan, waxaanu u mahad celiyey wasiirka xilka ku wareejiyey iyo marti-sharafta soo shariftay munaasibadaasi.

Wasiir Cabdiqaadir, ayaa sidoo kale sheegay inuu dareensan yahay baylahda balaadhan ee hoos-taalla wasaaraddan, waxaanu ku taliyey in qorshe qaran oo balaadhan loo balaysimo si wax looga qabto cunto-yaraanta, sicir-bararka iyo dhibaatooyinka ka sii daraya ee qaranka ka haysta wax soo Iibsiga dibada.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in isku-tashi qaran lagaga bixi karo ku-tiirsanaanta maceeshada daruuriga ah ee dibada laga soo iibsanayo oo uu walaac ka muujiyey caqabahada caalamiga ah ee soo food-saaray.

Ugu dambeyn wuxuu diray saddex farriimood oo uu ku jiheeyey Xukuumadda, Ganacsatada iyo shacabka, waxaanu yidhi “farriin waxaan u dirayaa xukuumada oo aan leeyahay waa inaynu samaynaa qorshe qaran oo aynu ka yeellanayno sidii aynu dalkeena wax ugala soo bixi lahayn, in kor loo qaado awoodda shaqo, shaqaale, masuuliyaddeed iyo dhaqaale ee wasaaradda beeraha, taasoo xagga miisaaniyadda, xaga aqoonta iyo xagga agabba laga kabayo. Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa inay la yimaadaan qorshihii ay kaga qayb-qaadan lahaayeen horumarinta beeraha iyo wax soo-saarka cuntada oo ay nagu soo xidhmaan.

Shacabka waxaan leeyahay waynu ognahay maanta halkay marayso maceeshada qiimaheedu, sidaas darteed farriinta aan shacabka u dirayaa waxa weeye in qof kastaa beerto daaraddiisa, baloodhkiisa, balooggiisa iyo beertiisa annagoo ka caawin doona.

Hoos ka daawo muuqaalka