Abiy Axmed iyo Hoggaamiyaha Milateriga Sudan oo ka wadahadlay dagaalka labada dal

Addis Ababa (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha milateriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhaan, ayaa ku heshiiyay si nabad ah loo xalliyo muranka in muddo ah ka taagnaa xuduudda labada dal ee horseeday dagaalka.

“Waxaan labadayadu ku heshiinay in labada dal ay isla meel dhigeen tallaabooyin iskaashi ah oo ay si nabad ah uga wada shaqeynayaan arrinta” ayuu yidhi Abiy Ahmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Abiy wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Labadeena waxaana naga go’an wadahadal iyo in xal nabadeed lagu xalliyo arrimaha taagan”

Hoggaamiyaha milateriga Suudaan, ayaa dhinaciisa sheegay in kulanka uu ahaa mid midho dhal ah oo lagu guuleystay.

Wadahadalladan, ayaa imanaya xilli dhawaan uu dagaal ka dhacay deegaanka Al Fashaqa oo ay ku muransan yihiin Suudaan iyo Itoobiya.

Suudan, ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay dileen isla markaana ay qabteen ciidamo u dhashay Suudaan balse Itoobiya ayaa warkaas beenisay.