Shidaal yari ba’an oo ka jirta deegaannada maamul goboleedka Puntland

Garoowe (Aftahannews)- Shidaal yari ba’an, ayaa laga dareemaya qeybo badan oo ka mid ah maamaul-goboleedka Puntland, xilli dunida oo dhan sicirka saliidda uu cirka isku shareeray.

Shidaal la’aantani, ayaa sida la sheegay sababtay in albaabada loo laabo kaalimaha qaar ee shidaalka, halka gaadiidleyduna ku khasbanaadeen in ay gawaadhidooda dhigaan.

Gaadiidleyda, ayaa intooda badan arrintani u aaneynayaan ganacsatada shidaalka oo ka faa’iideysanaya dhibaatada dhanka shidaalka ee ka jirta caalamka.