Soomaaliya oo ka jawaabtay eedayntii Somaliland u jeedisay

Muqdisho (Aftahannews)- Soomaaliya, ayaa waxaa ay iska fogeysay eedaymihii ay dowladda Somaliland u jeedisay, taas oo oo la xidhiidha in Soomaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba.

Wasiirka diinta iyo awqaafta ee Soomaaliya Cumar Cali Rooble oo eedayntaasi ka jawaabayay, ayaa sheegay in arrinta Xajka aan la siyaasadayn isla markaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo mamaul goballeed toona.

Waxaa uu sheegay in shirkaddaha ku guulaystay qaadista Xujeyda ay ku cadaadiyeen inay Somaliland ka qaadaan 800 oo xujey ah, balse wuxuu sheegay in Somaliland ay ka hor yimaadeen.

Geesta kale, Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay Soomaaliya ku eedeeysay in ay maleegtay qorshe ay ku dhintay tiradii ay reer Somaliland ku lahaayeen samiga xujayda, islamarkaana ay gebi ahaanba joojiyeen xujaydii reer Somaliland ee sannadkan gudan lahaa waajibaadka xajka.