Somaliland: Maxkamad dambi ku wayday Nin dhaliilo u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti

Gabiley (Aftahannews)- Maxkamadda degmada Gabilay ee Somaliland, ayaa maanta wax dambiya ku wayday Aarre Sulaymaan Cawleed, oo lagu eedeeyay in uu dhaliil u jeediyay madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil cumar Geelle.

Aarre Sulayman Cowleed, oo ah muwaadin reer Jabuuti ah oo muddo ku noolaa Somaliland, ayaa 21 bishii May loo taxaabay xabsiga magaalada Gabiley, kadib dhaliilo uu baraha bulshada uga jeediyay madaxweynaha Jabuuti.

Xeer Ilaalinta, ayaa waxaa ay racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda, lamana sii dayn Aarre Sulaymaan.

Aarre oo muuqaal qarsoodi ah iskaga soo duubay gudaha saldhiga booliiska ee Gabiley, ayaa sheegay in aanu garanayn, waxa loo soo xidhay, uuna ka baqanayo in loo gacan galiyo dowlada Jabuuti, wuxuuna shacabka Somaliland ka codsaday in ay bad baadiyaan.

Aarre, ayaa muuqaal uu soo duubay intii aan la xidhin kahor, waxaa uu sheegay in dowlada Jabuuti ay Somaliland ka codsatay in la aamusiiyo, oo aanu mar danbe Somaliland gudaheeda ka soo dhaliilin madaxda Jabuuti .

”Saaka waxa isoo gaadhay fariin uu soo faray taliskii Jabuuti, oo uu leeyahay, ‘ninka abtiyaaladiin baad tihiine ama muuqaalada ka joojiya, ama noosoo gudbiya’ reeraha yagii xagan joogay ayaa lala soo hadlay”.ayuu yidhi Aarre.

Aarre Cawleed, ayaa waxaa uu inta badan dhaliilaa hannaanka uu Jabbuuti u maamulo madaxweyne Geelle.

Waxyaabaha lagu eedeeyay Aarre, waxa ka mid ah in uu“ Dilaa” ku tilmaamay madaxweyne Geelle iyo in uu qoyskiisa aflagaadeeyay balse dhammaan eedahaasi Maxkamaddu way ku wayday.