Waa sidee xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Soomaaliya?

Muqdisho (Aftahannews)- Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, ayaa war ka soo saaray xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu dhowaan ku dhacay cudurka Covid-19.

Afhayeenka, ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna xusay inaanay jirin illaa hadda saameyn muuqata oo uu cudurkan ku yeeshay caafimaadka madaxweynaha.

“Waxaan ugu bishaareyneynaa umadda Soomaaliyeed xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo ah mid aad u wanaagsan, islamarkaana ayna jirin wax saameyn ah oo uu ku yeeshay cudurka COVID-19, isagoo hore u tallaalnaa,” ayuu yidhi Cabdikariin Cali Kaar.

Sidoo kale, wuxuu Afhayeen Kaar sheegay in madaxweynaha uu si caadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacyada caafimaad oo ay dejiyeen wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo la xidhiidha tallooyinka cudurka COVID-19.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu umadda Soomaaliya guud ahaan uga mahadcelinayo ducadii ay u soo duceeyeen markii ay maqleen in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka COVD19.

Sidoo kale, Afhayeenka, ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu hore u qaatay talaalka COVD-19 ka hor inta aanu cudurka ku dhacay taasoo yaraysay saameynta cudurka.

Afhayeenka, ayaa intaas ku daray in madaxweynaha berri laga qaadi doono baadhitaan lagu ogaanayo xaaladdiisa iyo inuu weli jiro cudurka COVID-19 iyo in kale.

Ugu dambeyntii afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar wuxuu sheegay in maalinta berito ah Madaxweynaha laga qaadi doono baadhitaan caafimaad si loo hubiyo xaaladiisa caafimaada maadaama muddo dhowr maalmood ah ay kas oo wareegatay markii laga helay cudurka COVID-19.