Guddoomiyaha Guurtida: “Dib Somaliland looga Noqonayaa Wallaahi Ma Jirto…”

Hargeysa (aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna dhankiisa Bulshada ugu hambalyeeyey maalinta xorriyadda 26-ka June 2022-ka oo ku beegan 62-guurada kasoo wareegtay maalintii Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Britain 26 June 1960-kii, oo xalay lagu qabtay Hargeysa.

Guddoomiyaha Guurtida, ayaa sheegay inaanay Somaliland dib ugu noqon doonin midnimo Soomaaliyeed, waxaanu u soo jeediyey Soomaaliya inay aqbasho madaxbannaanida Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan waxa kale oo uu Asxaabta mucaaridka ee Somaliland u soo jeediyey inay sharciyadda dalka ixtiraamaan, midnimada iyo wada-jirka bulshadana muhiimad gaar ah siiyaan.

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland khudbaddiisa, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-