Madaxweyne Biixi oo Farriin u Diray Soomaaliya, Xisbiyada Mucaaradka iyo Shacabka Somaliland

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xalay munaasibadda 62-guurada kasoo wareegtay maalintii Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladda Britain oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, ayaa hambalyo u diray Bulshada Somaliland. 

Madaxweynaha, ayaa sharraxay guulaha Somaliland gaadhay muddadaa ay xorriyaddeeda haysatay. Waxa uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibedda ay guulaha Jamhuuriyadda Somaliland caalamka intiisa kale ka gaadhay iyo sida ay usoo jiidatay indhaha quwadaha waaweyn ee dunida, ayuu madaxweynuhu ka sheekeeyey, isaga oo tusaale usoo qaatay dalweynaha Maraykanka iyo saaxiibtinimada midho-dhalka leh ee ay Somaliland la samaysatay.

“Maanta waa markhaati ma doon in Somaliland xorriyaddeeda iyo ictiraafkeeda iyo waxqabsigeeda ay meelaha adduunka looga taliyo oo ay Washington Baarlameenkeedu ka mid yahay ka wado hawlo uu Somaliland wax kula qabsanayo, ingiriiskuna ka wado, caalamka intiisa badanina sidaas oo kale Somaliland la wado, taasina waxay ku timi dedaalkii dadkeena kolba intii joogtay.” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, walaaltinimo iyo wada-hadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana ugu baaqay inaanay rumaysan goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.

Madaxweynaha Somaliland khudbadda uu jeediyey, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-