Madaxda Waddani oo ka Hadlay Xaaladda Muwaaddin Booliiska Somaliland Jidh-dileen

Hargeysa (aftahannews):- Masuuliyiinta  Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo booqday  Muwaaddin sheegay in Booliiska Somaliland jidh dileen, ayaa cambaareeyay waxyeellada uu sheegay in Booliisku u geysteen.

Guddoomiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Madax kale oo ka tirsan Xisbiga, ayaa Cusbitaalka ugu tegay maanta Maxamed Cali Maxamed oo sheegay in Askar Booliis ahi Xiniinyaha kaga tunteen intii uu socday muddaharaad 9kii bishan Juun ka dhacay Hargaysa oo ay Xisbiyada UCID iyo Waddani sameeyeen, ayaa ayaan-dardo ku tilmaamay jidh-dilka Booliisku gaadhsiiyeen Muwaaddinkan iyo kuwo kale.

“Waa ayaan-darro aad u wayn weeyaan in Raggii xiniinyaha laga garaaco, Dumarkiina beerka iyo naasaha laga garaaco, waa waxaan inna soo marin, oo aad u foolxun, waad arkayseen inantii la garaacayay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Booliisku dafiro jidh-dilka lagu eedeeyay, waxaanu sheegay in haddiiba dhibku dhacay ay ahayd in Dhakhtar si dhakhso ah loo geeyo, lagana raalligeliyo dhibka soo gaadhay Muwaaddiniinta.

Waxaanu Xirsi oo arrintaa ka hadlayaa, yidhi; “Waxa kasii daran in Booliiskii dhibkaa gaystay uu dafiro oo uu yidhaahdo nabarro ayuu qabay iyo wax caynkaas ah … waxay ahayd marka hore in aan dhib loo geysan, marka labaad hadday dhibi gaadhay lala tacaalo, marka saddexaadna in laga raalligeliyo.”

Maxamed ayaa denbi-baadhe ka tirsan Saldhigga Dhexe ee Hargaysa ku eedeyay in uu xiiniinyaha kaga tuntay intii uu socday muddaharaadkii mucaaradku soo abaabuleen ee 9-kii Juun, taasina ay sababtay in mid ka mid ah xiniinyihiisu ay dhimato oo laga saaro, eedeyntaas, ayey Booliisku waxba kama jiraan ku tilmaameen, iyagoo sheegay in xiniintu hore u xanuunaysay.