Madaxweyne Joe Biden oo ka dhacay baaskiil

Washington (Aftahannews)- Xaalad casbi ah, ayaa soo wajahday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden kadib markii uu ka dhacay baaskiil uu kaxeynayay xilli uu isku dayay inuu istaago si uu u salaamo taageerayaashiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa markii uu ka dhacayay baaskiil ku sugnaa gobolka Delaware.

Hase-yeeshee Madaxweyne Biden, wax dhaawac ahi ma soo gaadhin balse si deg deg ah ayuu isku qabtay.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay kadib markii uu la turaanturooday baaskiilkiisa.

Waxaa la sheegay in baaskiilka ay ku timid cilad farsamo uuna u baahnaa dayactir.