Maraakiib xaluufiyay kalluunka Soomaaliya oo lagu daray liis madow

Muqdisho (Aftahannews)- Hay’adda ilaalinta kalluumeysiga Tuna ee Badweynta Hindiya, ayaa sheegtay in liiska madow lagu daray laba markab oo laga leeyahay dalalka France iyo Spain, kuwaasi oo si sharci darro ugu kalluumeysanayay Badweynta Hindiya, iyagoo xaluufinayay kalluunka nooca Tuna ee xeebaheena laga helo.

Hay’adda Blue Marine, ayaa dhawaan kashiftay xaluufinta iyo boobka labadan markab ku hayeen Badweynta Hindiya, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya.

Ha’yadda IOTC, ayaa shirweynihii 26-aaad ee Sychelles ka sheegtay in dadka iyo maraakiibta wadata calamada France iyo Spain inaan loo ogolaan doonin aaga kheyraadka ee Badweynta Hindiya oo Soomaaliya ugu horeyso.

“Jarriifka sharci darada ee tuuganimada ku saleysan wuxuu dhibaato aan iyo nabad guur u geystaa baddeena kheyraadka buuxa, wuxuuna dhibaateynayaan dadka nolosha badda ku tiirsan ee dunida oo idil,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay hay’adda ilaalada kalluumeysiga Tuna ee Badweynta Hindiya IOTC.

Maraakiibta Spain iyo France, ayaa loo diiwaan geliyay inay si sharci daro ah ku jariiftaan 97% kalluunka Tuna, tirada ugu badanna waxay ka jilaaftaan badweynta Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay shirkaddo shisheeye oo China ugu horeyso ay siisay shatiyo u ogolaanayo inay ka kalluumeystaan baddaha Soomaaliya, waxayna tallaabadaasi halis ku tahay kheyraadka sii yaraanayo ee badda Soomaaliya.

Soomaaliya ma laha awood dowladeed oo la xisaabtama shirkaddaha sharci darada ugu kalluumeysanaya xeebaheeda, taasoo keentay in 30 sano maraakiibta shisheeye ay u soo shaqo tagayeen xeebaha Soomaaliya oo ayna jirin cid ka ilaalisa.