Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu baxay Imaaraadka

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehlinayaan xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumaddiisa, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay ra’iisal wasaaraha xil gaadhsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin kale.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineysay siyaasadda Soomaaliya, si ay ugu dhawaato dowladda cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wadahadal la yeelan doono madaxweynaha dalkaasi Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo ay ka wadahadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal oo aad u hooseeyay sanadihii la soo dhaaafay.

“Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.