Kenya oo shaacisay xilliga la fasaxayo Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya

Nairobi (Aftahannews)- Dowladda Kenya, ayaa markale faah faahin dheeraad ah ka bixisay halka ay marayaan wadahallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee lagu doonayo in lagu fasaxo qaadka dalkaas oo sanadihii la soo dhaafay ka xayirnaa Soomaaliya.

Wasiirka beeraha ee Kenya Peter Munya, ayaa u sheegay Wargeyska The Star in qaadka ay Soomaaliya si rasmi ah u fasixi doonto 5-ta bisha soo socota July ee sanadkan 2022-ka.

Peter Munya, ayaa xusay in heshiis ku aadan qaadka ay labada dowladood ku saxeexi doonaan magaalada Nairobi oo ay isugu tagi doonaan madaxda labada dal.

“Shanta July ayaa heshiiska lagu saxeexi doonaa halkan oo ah magaalada Nairobi” ayuu yidhi wasiirka beeraha ee wadanka Kenya.

Sidoo kale, wasiir Peter Munya ayaa ka gaabsaday waxa ay dowladda Soomaaliya ku bedelaneyso qaadka dib loo fasaxayo oo ay Kenya ka hesho dhaqaale fara badan, Soomaaliya ayaana ah suuqa weyn ee loo soo dhoofin jiray qaadka laga keeno dalkaasi.

Soomaaliya, ayaa hore dhankeeda shuruudo waa weyn u hordhigtay dowladda Kenya, waxaana ka mid ah arrimaha ay dalbatay oo ay dooneyso in la fuliyo 1-Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, 2– Fududeynta safarka iyo 3– Dhoofinta Kalluunka.