Somaliland: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo furay shirka horumarinta garsoorka iyo amniga

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa maanta furay shir ay iskugu yimaadeen Hay’addaha dowladda ee ka wada shaqeeya Bahda Cadaaladda, Amniga iyo Hay’addaha Qaadhaan-bixiyayaasha Midowga Yurub iyo Sweden oo ay weheliyaan Hay’addaha Qaramadda Midoobay ee ka taageera Somaliland arrimaha Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga.

Shirkan oo ay isugu yimaaddeen Guddida Maamusha Barnaamijyada horumarineed ee laga fulliyo Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga Somaliland, waxa ugu horeyn soo dhaweeyay una mahadnaqay dhammaan ka qayb-galayaashii shirka ee ka kala socday madaxda Hay’addaha Dawladda, Hay’addaha Qaramada Midoobey iyo Qaadhaan-bixiyayaasha, waxaanu tibaaxay in ay ku faraxsanyihiin in qorshihii hore guul ku soo dhamaaday, taageerada ay ka gaysteen dalalka Midowga Yurub iyo Sweden ay Somaliland uga mahadnaqayso, abaalna ugu hayso taageeradooda, sidoo kale waxa uu xusay in ay Somaliland wax badan qabsatay iyadoo adeegsanaysa cashuurta muwaadiniinteeda, sidaa darteed ay xaq u leedahay saami-qaybsi dhab ah oo ay u qalanto, kuna dhisan in si cadaalad ah loo qaybiyo.

Furitaanka kadib waxa shirka ka hadlay Wasiirka Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka Maxamed Baaruud  waxaanay hoosta ka xarriiqeen ahmiyada ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga balaadhan ee ay wadaagaan Somaliland iyo Midowga Yurub.

Simon oo ka socday UNSOM, ayaa sidoo kale xusay inuu ku faraxsanyahay in uu ka soo qayb-galay shirka oo lagaga hadlayay qorshihii hore ee dhammaaday, waxaanu tibaaxay in qorshahaasi ahaa mid guul ku soo dhammaaday, la iskana kaashado sidii qorshe cusub loo wada diyaarin lahaa. Madaxa Barnaamijyada Cadaaladda iyo Amniga ee Midowga Yurub marwo Veronique Geoffrey iyo Sophia Omoro oo ka socotay safaarada dalka Sweden ayaa waxay xuseen in ay ku faraxsanyihiin in ay ka soo qayb galaan shirkan qiimaha badan, waxaanay ka mara kaceen in qorshihii hore midho dhalay lana gaadhay ujeedooyinkii laga lahaa.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta Hay’addaha Dawladda ee Bahda Garsoorka Cadaaladda iyo Amniga ee maamula barnaamijyada lagu horumarinayo amniga, Garsoorka iyo cadaaladda oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka, sidoo kale waxa kamid ah xubnaha Guddida  ee ka soo qayb galay shirkan Xubno ka socday dalalka deeq-bixiyayaasha ah ee EU iyo Sweden iyo Hay’addaha Qaramada Midoobey oo kala ah UNSOM, UNDP, UNWOMEN iyo UNODC.

Ujeedada shirka, ayaa ahayd sidii loo soo gunnaanadi lahaa qorshe hawleedkii hore loo dejiyay kaasi oo ay iska kaashanayeen Hay’addaha Dowladda, Deeq-bixiyayaasha iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay ee sare ku xusan, oo muddooyinkii u danbeeyay laga wada shaqaynayay, waxaana la isla gartay in qorshahaasi noqday qorshe guulaystay oo ahdaaftii iyo ujeedooyinkii laga lahaa la gaadhay, sidoo kale waxa shirka ka soo baxay in qaadhaan-bixiyayaasha kala ah Midowga Yurub iyo Sweden ay ballan-qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay maal-galiyaan qorsheyaal cusub oo ay diyaarin doonaan Hay’addaha Dowladda ee sare ku xusan.

Gaba-gabadii waxa hadal ka jeediyay wasiirka wasaarada Cadaalada, Gudoomiyaha Xuquuqal iinsaanka Qaranka, waxanna shirka si rasmi ah u soo xidhay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ku hadlayay magaca Jamhuuriyadda Somaliland iyo magaca guddida maamusha qorshahan, waxaanu uga mahadceliyay dhammaan dhinacyada ku midaysan qorshe-hawleedka guddidan sidii qiimaha iyo quruxda lahayd ee loo fuliyay qorshihii hore ee dhammaaday, waxaanu si gaar ah uga mahadnaqay qaadhaan-bixiyayaasha in ay ballan-qaadeen in ay sii wadayaan taageerada qorshaha cusub ee loo baahan-yahay in ay soo diyaariyaan hay’addaha dawladda ee sare ku xusan.