Maalgashadeyaal Sacuudi ah oo kormeeray Mashruuca Banka Magaalada Wajaale

Wajaale (Aftahannews)- Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane. Cabdillahi Cabdiraxmaan Aare iyo Wefdi Maalgashedeyaal dalka Sacuudiga ka socday, ayaa kormeeray Mashruuca Banka Wajaale oo la saadaalinayo inay maalgashi dhinaca beeraha ka sameeyaan.

Wasiirka maalgashiga Somaliland, ayaa sheegay in wadamadda Khaliijka oo cilaaqaad ganacsi ka dhexeyn jiray dalkeena maanta dib u fahmeen fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida wadamadda kale caalamka, diyaarna u yihiin inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland.

Wasiir Cabdillaahi oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha Maxamed Cismaan Saciid (Maxamed Soomaali), ayaa dalka ku soo dhoweeyey wefti maalgashedayaal ka socday boqortooyada Sacuudiga oo ka koobnaa ganacsato iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda dalkaasi ayuu hogaaminayey Md. Cabsilaan, oo ah masuul ka tirsan Xukuumada Sacuudiga khamiistii la soo dhaafay, kuwaasoo ujeedada booqashadoodu la xidhiidho indho-indhayn iyo u kuur-gal ilaha maalgashiga dalkeena.

Soo dhaweynta kaddib, waxa weftigan casho sharaf loogu sameeyey magaalada Hargeysa, munaasibadaasi oo ay ka qaybgaaleen xubno kamida golaha Wasiirrada iyo masuuliyiinta hay’addaha madaxabanaan ee xukuumadda. waxaana madaxda ka qaybgashay kamid ahaa Wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda & Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta Gaadiidka & jidadka, Horumarinta Biyaha, Gudomiyaha Komishanka Tamarta, Gudomiyaha rugta ganacsiga iyo xubno ka socday ganacsatada Somaliland.

Weftigan ayaa waddanka joogidoona muddo 5 cisho ah, iyaga oo aad u danaynaaya fursadaha maalgashi ee waddanka ka banaan ee la maalgashankaro sida Maalgashiga Beeraha, Tamarta, Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool.

Wasiirka Maalgashiga Cabdillaahi oo hadal ka jeediyey munaasibada ayaa sheegay in Wasaarad ahaan iyo xukuumada ay farxad u tahay inay dalka yimaadaan weffigan Sacuudiga oo hadafkoodu yahay maalgashi ay dalka ku sameeyaan, waxaanu yidhi,

“Wefdigan oo ka socda dalka Sacuudiga ayey qeyb ka yihiin ganacsato dhinacyo kala duwan xoolaha, warshadaha, iwm, muddo afar maalmood ayey dalka joogi doonaan, ay ku indhoindheynayaan fursadaha maalgashi ee dalka ka jira.

Md. Aare ayaa sheegay inuu yahay weftigani kii noociisu ugu horeeyey maalgashedeyaal dalka Sacuudiga ka socda ee booqasho ku yimaada dalka.

Mr. Cabdisalaan, masuulka hogaaminayey wefdiga oo hadal ka jeediyey xaflada, ayaa bogaadiyey sida loogu soo dhoweeyey dalka, isla markaana sheegay inay xog-ogaal u noqon doonaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira Somaliland.

Dhinaca kale, weftigan dawladda Sucuudiga ka socda oo ay hogaaminayaan Wasiirka wasaaradda Maalgashiga Mudane Abdilahi Abdirrahman aarreh, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Mohamed Cismaan jaamac iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Mudane Mohamed Osman Saeed, ayaa gaadhay gobolka gabiley oo ay si diirran ugusoo Dhaweeyeen Maayarka Degmada gabiley Mudane mohamed Amiin Cumar Cabdi iyo masuuliyiin kale maalintii shalay oo Jimce ahayd.

Weftigu waxa ay soo indho-indheeyeen Banka wajaale oo mashaariic maalgalin xagga beeraha ah laga fulindoono haddii alle ka dhigo, kana mida goobaha u dihin maalgashiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftigan ayaa muddo shan maalmood ah joogi doona Waddanka, waxaanay booqan doonaan meelo kala duwan oo ay u qorshaysay xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Mr. Maxamed Cismaan Siciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maalqabeeno warshado ku leh dalalka Geeska Afrika.

Agaasimaha Guud iyo maalqabeenada oo hore ugu kulmay caasimada Addis Ababa ayaa la sheegay inay qorsheynayaan sidii ay warshado Wax-soo-saar dalka uuga hirgelin lahaayeen.