Xasan Sheekh oo war ka soo saaray dagaalkii Baxdo ee lagaga adkaaday Al-shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, ayaa bogaadiyay dadka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa shacabka deegaanka Baxdo ku amaanay sida naf-hurnimada leh oo ay iskaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo saaka weerar ku soo qaaday deegaankaas.

Madaxweynaha, ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee bulshada Baxdo iyo ciidanka xoogga Soomaaliya ay gaadhsiiyeen Al-Shabaab ay muujinayso sida shacabka Soomaaliya ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh ay iskaga dulqaadi karaan dhibaatada ay argagixisadu ku hayso.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Alle uga baryay inuu Jannatul Firdowsa geeyo muwaadiniintii ku shahiiday weerarkaas, kuwaas oo difaacayay dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee waxyeeladu ka soo gaadhay weerarkaas.

Dagaalka oo socday dhowr saacadood, ayaa waxaa jab weyn lagu gaadhsiiyay kooxda Al-Shabaab, waxayna magaalada dhexdeeda kaga carareen meydad tiro badan, kadib markii ay awoodi wayday kooxdu inay qaadato.

Sida ay shaacisay idaacadda VOA, Al-Shabaab, ayaa waxaa dagaalkaas lagaga dilay ugu yaraan 40, halka uu jiro tira kale oo dhaawaca ah oo dagaalka lagu gaadhsiiyay dagaal-yahanada kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, dadka deeganka Baxdo, ayaa waxaa ay soo bandhigeen saddex qof oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo dagaalka lagu qabtay.