Ciidanka Booliska Somaliland oo iska fogeeyay eedeeymo loo jeediyay

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa iska fogeeyay warar la sheegay in Ciidanka Booliiska Somaliland ay ka fuliyeen guriga Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliska, ayaa sheegay in ciiidanku ay u gurmanayeen muwaadin reer Hargeysa ah oo koox tuugo ahi rabshaysay.

“Markay sacaadu 3:00am ahayd waxa heeganka soo garaacay ninka la yidhaa Daa’uud Guulleed Axmed oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo dagan xaafada Hodan Hills, oo ay sikhraamiini rabshayeen, isaga oo soo hagaya ayay ciidankii heeganka ahaa ku bexeen goobtii”.ayuu yidhi.

Afhayeenka, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in kadib markii ciidanku howlgalka ka soo noqdeen in toosh indhaha lagaga qabtay, kadibna loo sheegay in ay soo leexdaan, intaa kadibna rasaas la huwiyay, lakiin aanay ciidanku wax jawaab ah ka bixin rasaasta.

“Markii laga soo noqday, oo wadada laamiga la marayo, ayaa waxa dhacday labadii baabuur mid kamid ah tooshash lagu qabtay, waxana la yidhi soo leexo … isla markiina rasaas ayaa lagu bilaabay, rasaastaasi waxay noqonaysa mid sharci daro ah – ciidankuna wax jawaab ah kama bixin”.ayuu intaasi sii raaciyay.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in boolisku u xilsaaranyahay sugida amniga mucaarad iyo muxaafadba, “Booliisku wuxuu u xilsaaranyahay, mucaarad iyo muxaafad, cid ajinabi ah iyo cidkasta oo dalkan Somaliland ku sugan in ay nabadgalyadooda sugaan.

Afhayeenka, ayaa waxaa uu sheegay in boolisku ay arrintaa baadhisteeda geli doonaan, isaga oo danbi wayn ku tilmaamay in guriga Cirro la weeraro “Waa danbi adag marka la leeyahay musharixii madaxweynaha ayaa la weeraray”.