40 ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab oo lagu dilay dagaal

AL-SHABAABTA PUNTLAND PHOTO GOOGLE

Gaalkacyo (Aftahannews)- Ugu yaraan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab, ayaa lagu dilay degmada Baxdo ee gobolka Galguduud, kaddib markii dadka deegaanka iyo ciidamada Galmdug oo is garabsanaya ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaaday deegaanka Baxdo.

Sida ay wararku sheegayaan, dadka deeganka Baxdo, ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab oo dagaalka lagu qabtay.

Khasaaraha ka soo gaadhay dadka deegaanka iyo ciidanka Galmudug, ayaa lagu sheegay toddoba qof oo dhimasho ah iyo tobaneeyo kale oo dhaawac ah.

Ciidamada ammaanka Galmudug, ayaa sidoo kale soo bandhigay gaadhi laga soo buuxiyay qaraxyo, kaas oo ay wateen maleeshiyada Al-shabaab.

Xaaladda Baxdo, ayaa deggan, iyadoo ay deegaanka soo gadheen ciidamo gurmad ah kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudud.