Mareykanka oo jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Al-Shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa ka jawaabay sheegasho ka soo yeedhay Al-Shabaab, taasi oo ay ku sheegen inay mar uun la wareegayaan guud ahaan Soomaaliya.

Larry Andre, ayaa sheegay in ayna Al-Shabaab u suurtagali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo iyadu ku guuleysatay inay la wareegto gacan ku haynta Afghanistan.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku tilmaamay in arrintan ay Al-Shabaab ka leeyihiin buun-buunin, taasi oo uu wareysi laga qaaday ku sheegay Hoggaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, Mahad Karate.

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo amni oo ay kamid yihiin Mareykanka, Turkiga, Midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaasi oo diyaar u ah in Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Al-Shabaab,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu qiray Larry in Al-Shabaab ay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ku leedahay saamayn, taasi oo ay sheegeen inay lacagaha canshuuraha ka qaadaan ganacsatada.

Hoggaamiye ku xigeenka kooxda Al-Shabaab Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate), ayaa wareysigii ugu horreeyay oo uu bixiyay siiyay Channel 4 oo laga leeyahay UK, ayaa waxa uu ku shaaciyay in wax hadal ah ayna la gelin doonin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab, ayaa sababta ay ku diideen wadahadalka ku sheegeen in ayna aaminsanayn dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in cid kasta oo diidan Shareecada Islaamka ayna la hadli doonin, ayna sii wadi doonaan dagaalka, isaga oo xusay inay mar uun ay ku han weyn yihiin inay la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, ujeedkoodana uu yahay inay ka dhaqan geliyaan Shareecada.