Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo ku aadan xilka cusub ee loo magacaabay.

Ra’iisal wasaare Xamse, ayaa hoygiisa ugu tagay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxaana sidoo kale kulankaas ku wehlinayey ku xigeenkiisa labaad C/qaadir Abshirow.

Labada dhinac, ayaa salaan kadib ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii Soomaaliya lagaga samata-bixin lahaa abaaraha ka jira qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

“Kulanka oo ahaa salaan iyo is barasho ku aaddan magaabista Ra’iisul wasaaraha, ayaa Guddoomiye Sh.Aadan Madoobe ka guddoomay salaanta, waxaana uu sheegay in dedaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira sida Abaaraha, ka dib marka uu helo codka Kalsoonida Baarlamaanka,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Aadan Madoobe oo lagu faah faahiyey kulankaasi.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa kulan kale la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare, kaas oo ka dhacay hoyga Cabdi Xaashi, kadib salaan uu ugu tagay Xamza.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa ra’iisal wasaaraha cusub u jeediyay dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Cabdi Xaashi.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi oo boggaadin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah siiyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub ayaa Allah uga baryay in uu ku asturo kuna guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday,” ayuu lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad, ayaa shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh wuxuu u magacaabay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana marka uu helo codka kalsoonida uu ballan qaaday inuu dhisi doono xukuumad tayo leh oo hadh iyo habeen u istaagi doonta sidii ay u gudan lahayd waajibka loo igmaday.