Maxaad ka Taqaannaa Raysal-wasaaraha Cusub ee Soomaaliya loo Magacaabay?

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa maanta Raysal-wasaare u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id galabta qabtay isagoo uu dhinac taagnaa Raysal-wasaaraha cusub, ayaa sheegay in Xamse uu yahay qof mudan oo ka soo bixi kara xilkan Qaran ee uu u magacaabay.

Madaxweynaha, ayaa Baarlamaanka ugu baaqay inay si degdeg ah u meel mariyaan Raysal-wasaaraha cusub, si dalku uu u yeesho Xukuumad cusub.

Wuxuu Raysal-wasaaraha kula dardaarmay inuu dardargeliyo arrimaha hortebinta leh sida gurmadka abaaraha, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshadda.

Raysal-wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre oo halkaas ka hadlay, ayaa aqbalay xilka loo magacaabay, waxaanu ballanqaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo dalka iyo dadka samatabixisa, isla markaana uu ka shaqeyn doona sidii dalka Soomaaliya uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa.

Arrimaha uu sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saari doonto haddii uu codka lalsoonida ka helo, waxa ka mid ah, sida uu sheegay, dhameystirka dib u eegista dastuurka, helista garsoor hufan, horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Raysal-wasaare Xamse, ayaa hore loo hadal hayay magacaabistiisa, waxaana la filayaa in maalinta sabtida uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya si uu uga codsado inay siiyaan codka kalsoonida.

Xamse, ayaa hore u soo noqday Xoghayihii Xisbiga Madaxweynaha ee UPD sannadihii u dhexeeyay 2011-2017. Waxa kale oo uu noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre, ayaa ahaa Guddoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland doorashadii lagu doortay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe 2019-kii.

Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo, isaga oo ka soo noqday Macallin iyo Guddoomiye ku xigeen.

Xamse oo 48-jir ah, ayaa shahaada labaad ee Masters degree ku heysata cilmiga maamulka iyo maareynta, wuxuuna ka qaatay Jaamacadda International Islamic University of Malaysia sannadkii 2009.