Somaliland oo Si Adag uga Hadashay Safiir Soomaali ah oo Awgeed uga Baxay Shir Caalami ah

Hargeysa (Aftahannews)- War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa waxaa ay ka hadashay shirkii uu maanta ka baxay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambasadoor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ee uu madaxweynaha Kenya ku martiqaad masuuliyiin ka socday Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay caddeyn u tahay cadownimada iyo nacaybka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay u qabto Somaliland iyo dadkeeda.

War Saxaafadeedka ayay sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku sheegtay inay tahay dalmadaxbannaann oo dimuqraaddi ah oo dooneysa in si nabad ah ay kula noolaato waddamada dariska la ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya, ayaa war ka soo saartay ka bixitaankii safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya uu maanta ka baxay kulankaasi, waxaana ay sheegtay in dowladda Kenya ay si ula kac u martiqaadday masuuliyiin ka Socday Somaliland.