Abiy Ahmed oo shaaciyay in dowladdiisu wadahadal la gelayso TPLF

Addis Ababa (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sameysay guddi wahadal la yeelan doona kooxda TPLF si loo soo afjaro colaadda ka taagan gobolka Tigray.

“Arrinta ku saabsan nabadda, waxaan sameynay guddi wadaxaajoodka qaabilsan, wadahadallada wakhti ayay u baahan yihiin,waxay darsi doonaan sida loo qaban doono wadahadallada” ayuu yidhi Abiy Ahmed.

Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto wahadallada lagu joojinayo dagaalka Tigray.

Waa markii ugu horreysay Abiy Axmed uu soo hadal qaaday guddi ka tirsan dowladdiisa oo wadahadal la geli doonta TPLF.

Sikastaba, hadalka Abiy Ahmed, ayaa ku soo beegmaya iyada oo Kooxo hubeysan ay maanta gudaha u galeen qeybo ka mid ah magaalo weyn oo dhacda galbeedka Itoobiya.

Dad ku sugan magaalada Gambella, ayaa waxaa ay sheegeen in xafiisyadii iyo goobihii ganacsiga ay xidheen kadib dagaalka sii xoogeystay.

Dagaal, ayaa sidoo kale waxaa uu ka socdaa agagaarka Madaxtooyada gobolka Oromada, Madaxweynaha gobolka, Umod Ujulu, ayaa sheegay in aanu wax war ah ka hayn dagaalka.

Dagaalo, ayaa waxaa sidoo kale laga soo sheegayaa inay ka socdaan magaalooyin ka tirsan gobolka dariska la ah Oromia.