Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Cadho uu Somaliland ka Qaaday uga Baxay Shir Heer Sare ah

Nairobi (Aftahannews)- Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa iskaga baxay shir uu madaxweynaha dalka Kenya isugu yeedhay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, ayaa ka bixitaanka shirkan uu yimid ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin ka socday Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, ayaa maanta la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhacaysa bisha August ee sanadkan.

Danjire Tarsan, ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga cadhooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu ka soo baxay markii dalabkiisu uu socon waayay.

Kenya iyo Somaliland midkoodna kama hadlin arrintan u dambaysay. Laakiin wakiilada Somaliland u fadhiya Nairobi, ayaa xaqiijiyay inay casumaad ka heleen madaxtooyada Kenya.

Dowladda Kenya, ayaa rasmi ah u aqoonsan Somaliland, iyada oo sanadihii u dambeeyay ay sare u qaaday xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland.