Mustafe Cagjar iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo soo gaadhay Somaliland

Tog-wajaale (Aftahannews)- Waxaa maanta Somaliland soo gaadhay wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar.

Waxaana wefdigaasi magaaladda Tog-Wajaale ku soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), iyo badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo masuuliyiin kale.

Soo dhawaynta wefdiga Itoobiya waxaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku wehelinayay wasiirka Tignolojiyadda, badhasaabka Gabiley, maayarka Gabiley, iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.

Sidoo kale, waxaa soo dhawayntaasi qayb ka ahaa guddiga sare iyo maamulka Jaamacadda faca-weyn ee Camuud ee magaaladda Boorama.

Weftiga uu hogaaminayay madaxweynaha DDS Ethiopia oo muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona Somaliland, ayaa isla maantaba waxaa loo gudbiyay dhinaca gobolka Awdal, halkaasoo ay weftiga Ethiopia muddo laba maalmood ah ku sugnaan doonaan.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka warbixiyay soo dhawaynta weftiga madaxweynaha DDS Ethiopia iyo u jeedadda booqashadda uu Somaliland ku yimid.