Somaliland: Imtixaankii Shahaadigga ee dugsiyada dhexe oo la soo gaba-gabeeyay

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay Imtixaankii Shahaadigga ahaa ee dugsiyada dhexe ee Somaliland oo maalintii Sabtida ka bilowday guud ahaan dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland Xasan Qaliinle oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta xafiiska Imtixaanaadka ee magaaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah maanta ay gobolada uga soo dhamaadeen imtixaanku.