Markab Xoolo ka qaadayay deked ku taalla Sudan oo degey

Khartoum (Aftahannews)- Markab si xad dhaaf ah loo raray oo siday xoola nool, ayaa ku degey dekedda ku taalla badda cas ee Sawakin ee dalka Sudan, waxaana halkaas ku qaraqmay dhammaan xoolihii markabkaas saarnaa oo ahaa ido, hase ahaatee saraakiisha dekedda ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan shaqaalihii markabkaas.

Markabkan oo ahaa nooca xoolaha lagu dhoofiyo, ayaa ka ambabaxayay dalka Sudan isaga oo ku sii jeeday dalka Sucuudiga, waxaana la sheegay in uu degey, kadib markii la saaray dhowr kun oo neef oo dheeri ah oo ka badan xadkii ay ahayd in uu qaado.

“Markabka Badr 1, ayaa degey saacadihii hore ee Axaddan maanta ah, waxaana uu siday 15,800 oo neef oo ido ah taasi oo ka badan xadkii loogu talogalay,” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha dekedda oo diiday in magaciisa la sheego.

Sarkaalka, ayaa sheegay in markabka loogu talo galay inuu qaado oo keliya 9,000 oo neef.

Sarkaal kale oo ka tirsan masuuliyiinta dekedda oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa isna sheegay in dhammaan shaqaalihii markabkaas la badbaadiyay, isaga oo sheegay in dhacdadani ay sababtay walaac xooggan oo dhaqaale iyo weliba mid deegaan.

Markabka ku degey dekedda, ayaa haatan saamayn xooggan ku yeeshay hawlihii adeegga ee dekeddani bixin jirtay.

AFP