Madaxweynaha Somaliland oo gaadhay Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka ka soo ambo-baxay caasimadda Hargeysa, ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee caasimadda gobolka Sanaag, iyadoo halkaasi si balaadhan loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha, ayaa waxaa safarka ku wehelinayay xubno ka yihiin guddoomiyeyaasha labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale, ayaa waxa  garoonka ku soo dhaweeyey.

Wefddiga madaxweynaha, ayaa markii ay halkaasi gaadheen waxaa si balaadhan u soo dhaweeyay madaxda gobolka, kuwa degmada, salaadiinta, cuqaasha iyo haldoorka gobolka, kuwaas oo madaxweynaha ku soo dhaweeyeen calanka Somaliland iyo caleemo qoyan.

Intaas kaddib, madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, waxa ay socod ku soo mareen jidadka waaweyn ee magaalada, waxana halkaas iyaga oo safaf ku jira kusoo dhaweeyey shacabka reer Ceerigaabo oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin socdaalka shaqo ee madaxweynaha iyo weftigu ugu yimaadeen.

Madaxweynuhu waxa uu xadhigga ka jaray xarunta madaxtooyada cusub ee laga bineeyey duleedka magaalada, taas oo laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka, islamarkaana dhammaystiraysa imkaaniyaadkii dawladnimo ee gobolka.

May be an image of 2 people, people standing and road

Salaadiinta, waxgaradka iyo waayeelka reer Sanaag ee madaxweynaha kusoo dhaweeyey magaalada, ayuu madaxweynuhu qaddar mahadnaq ah kula qaatay xarunta cusub ee madaxtooyada, waxana ugu horrayn halkaas kelmedo mahadnaq ah ka jeediyey  Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Axmed Cabdi Muuse iyo guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur.

Madaxweynaha ayaa dhinaciisa, waxgaradka, waayeelka, salaadiinta iyo maamulka gobolkaba ugaga mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee ay usoo dhaweeyeen, isaga oo ku dheeraaday taariikhda waafiga ah ee gobolkani leeyahay iyo sida uu uga mudanta u yahay, waxana uu yidhi, “Waxa maanta farxad iyo Sharaf noo ah Ilaahayna ugu mahadnaqaynaa inaynu nabad isugu nimi xaruntii gobolka Taariikhda, Gobolkii Awoowayaasha, Gobolkii Udugga, waxana aan aaminsanahay inuu mudan yahay inay dawladdu maanta halkan wada joogto, waayo marka la eego dhul ahaan gobolka Sanaag wuxuu Jamhuuriyadda Somaliland ka yahay bogolkiiba Soddon iyo dheeraad.”

May be an image of 16 people, people standing and outdoors

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Ceerigaabo, ayaa kulamo kala duwan la yeelan doon waxgaradka, haldoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada muddada ay halkan ku sugan yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka