Somaliland: Aragtida Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaradka ee Guddiga Cusub ee Doorashada

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay u gudbiyey Golaha Wakiillada, toddbada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland oo ay soo kala magcaabeen xisbiyada mucaaradka ah, Golaha Guurtida iyo madaxweynaha.

Sida uu dhigayo sharciga doorashooyinka ee Somaliland, Madaxweynaha, ayaa soo magcaaba saddex xubnood, Golaha Guurtida ayaa isna soo magcaaba laba xubnood, halka labada xisbi mucaarad ay soo kala magcaabaan min xubin.

Haddaba, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xassan, ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan Guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland.

Hoos ka dhagayso aragtida Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaradka