Dowladda Mareykanka oo ansixisay xeerka iskaashiga Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda ayaa soo dhoweysay talaabo guddiga Xidhiidhka Dibedda ee Golaha Guurtida Mareykanku ku ansixiyeen “Xeerka Iskaashiga Somaliland, oo hore loogu soo gudbiyey.

Guddiga Xidhiidhka Dibadda oo ah guddiga qaabaysa siyaasadda arrimaha ibedda Mareykanka, isla markaana ansixisa heshiisyadda xukuumadda Maraykanku la gasho caalamka ayaa ansixintooda xeerka iskaashiga Somaliland rajo fiican laga qabaa inuu gaadho ansixinta Madaxweynaha Mareykanka, marka labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanku ansixiyaan mustaqbalka dhow.

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibedda soo saartay oo lagu bogaadinayey talaabada guddiga ayaa u dhignaa sidan:-

Xukuumada waxay soo dhoweynaysaa talaabadda Guddida Xidhiidhka Dibadda Ee Guurtida ku ansixisay Xeerka Iskaashiga Somaliland, oo labada xisbi ee Maraykanku ka mideysan yihiin, taasoo muujinaysaa sida loo qiimaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka.

Sharcigan oo labada xisbi ku mideysan yihiin laba waxaa bishii Maarso soo gudbiyey xildhibaano ka tirsan guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Golaha guurtida Jim Risch, oo ay weheliyaan Senator Chris Van Hollen iyo Mike Rounds.

Xeerka Iskaashiga Somaliland, ayaa ka dalbanaya Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanku inuu sannadkiiba warbixin ka bixiyo xidhiidhka dublamaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay iyo kaalmada horumarineed ee uu siiyo Somaliland, iyo sidoo kale in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Gaashaandhigga lagu farayo inay daraasad ku sameeyaan suurtogalnimada in la sameeyo iskaashi amni oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa taageeraysaa talaabada Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Golaha Guurtida ku ansixiyeen Xeerka Iskaashiga somaliland,” ayuu sheegay Bashiir good, Wakiilka JSL ee dalka Maraykanka.

“Sharcigan waxa uu muujinayaa taageerada laba geesoodka ah ee lagu ballaadhinayo iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland iyada oo la iska kaashanayo arrimaha khuseeya labada dal, oo ay ku jirto horumarinta dimuqraadiyadda, horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga. Geeska Afrika, iyo ka hortagga argagixisada, budhcad-badeedda iyo ka ganacsiga tahriibka. Waxaan uga mahadcelineynaa saaxiibadayada Aqalka Senate-ka Mareykanka dadaalka joogtada ah ee ay ku xoojinayaan xidhiidhka ka dhexeeya labadeena dal ee dimuqraadiga ah, waxaana rajeyneynaa in golaha guurtida si buuxda u tixgeliyo sharcigan muhiimka ah mustaqbalka dhow.”

Horumarinta sharcigan ayaa daba socota socdaal uu bishii March ee sannadkan uu ku tagay magaalada Washington Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, iyo wefdi balaadhan oo u hogaaminayey, oo intii uu socday booqashadoodu Aqalka Cad kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Hay’ado kale.

Sidoo kale, Wefdi uu hogaaminayo General Stephen Townsend, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyo Safiirka Mareykanka Larry Andre, ayaa booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, oo kula kulmeen Madaxweynaha JSL iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamadda Qaranka, Booliiska, iyo Ilaaladda Xeebaha waxay ku soo mareen Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera.