Sababaha keenay in uu baaqdo mudaharaadkii xisbiyada mucaaradka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Guddi dhexdhexaadin oo is xilqaantay, ayaa ku guulaysatay in ay xisbiyada mucaaradka Somaliland ku qanciso in la joojiyo mudaharaadyadii ay qorsheeyeen maanta oo Sabtida ah, isla markaana ay miiska wadahadalada kusoo noqdaan.

Afhayeen u hadlay guddida isku xilqaantay dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukuumadda, ayaa sheegay in kadib shirar ay la galeen madaxda mucaaradka Somaliland ay ku heshiiyeen, in la joojiyo mudaharaadkii la qorsheeyay maalinta Sabtida, in miiska wadahadalada lagu soo laabto iyo in la joojiyo hadalada xanafta leh.

Waxaanu yidhi.”Waxay isla garteen in layskugu yimaado miiska wadahadalka iyada oo la ixtiraamayo dastuurka qaranka iyo Shareecada Islaamka, in la hakiyo mudaharaadkii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradku inta ay socoto dhexdhexaadintu, in la joojiyo hadalada xanafta leh ee keenaya kala fogaanshaha”.

Waxa ay sheegeen in labada xisbi mucaarad ay kalsooni siiyeen guddida kadib markii ay ka codsatay, waxay guddidu xukuumadda ka codsatay in ay joojiso xadhiga masuuliyiinta mucaaradka, inta wadahadaladu socdaan, waxayna guddidu shacabka ugu baaqday in ay dajiyaan xiisada.

Waxaanu yidhi.“Waxa ay guddidu xukuumadda ka codsanayaan inay joojiso qabqabashada iyo xadhiga inta wada hadaladu socdaan.

Waxa ay shacabka ugu baaqayaan inay joojiyaan xiisada una hoggaansamaan wada hadalada una hoggaansamaan baaqa ka soo baxay guddida, dhexdhexaadinta”

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay ku guulaysatay in ay xisbiyada mucaaradka Somaliland ku qanciso in la joojiyo mudaharaadyadii ay qorsheeyeen maalinta Sabtida, isla markaana ay miiska wadahadalada kusoo noqdaan.

Waxaanu yidhi.“Guddidan isu xilqaamay inay ka qayb qaataan sidii loo daminlahaa khilaafka siyaasiga ah ee maalmahan taagnaa waxay la kulmeen, xukuumadda qaybo ka mida, waxa kale oo aanu la kulanay labadii xisbi mucaarid, oo aanu ka codsanay laba shay, marka hore in ay joojiyaan mudaharaadyada, iyo in kalsooni ay guddida siiyaan si ay hawsha u galaan, sheegana in ay guddida ku kalsoon yihiin diyaarna u yihiin in la wada hadlo, oo miiska wada hadalka la isugu yimaado wixii khaldana la saxo, hadal iyo dood dheer kadib waxa ay nagab aqbaleen in mudaharaaadada ay hakiinayaan”

Guddidan oo iskugu jirta salaadiin, culimo iyo ganacsato, isla markaana ka kala yimid dhamaan gobollada Somaliland, ayaa sheegay in ay xukuumadda Somaliland kusoo horeeyeen balse uu mudaharaadku dhacay iyaga oo shir kula jira saraakiil xukuumada ka tirsan galinkii hore ee Khamiista, sidaana uu kulankii ku istaagay.

Guddida oo hada ka kooban 31 xubnood oo iskood isku xilqaamay, ayaa sheegay in ay sidookale sugayaan ergooyin kale oo aan wali caasimada Hargaysa soo gaadhin.