Maxaa lagaga hadlay shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmay Muqdisho?

Muqdisho (Aftahannews)- Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo 5-ta hoggaamiye dowlad Goboleedyada, kaas oo lagaga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Shirkan, ayaa waxaa intiisa badan lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta dowladda cusub iyo dowlad goboleedyada, si looga wada-hadlo arrimaha hortabinta leh.

Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay Ra’iisal wasaare Rooble iyo Duqa magaalada Muqdisho, iyada oo lagaga wada tashaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo isbedelkii dhacay.

Shirka, ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha ee ka socda Muqdisho.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, ayaa dhammaantood ku sugan caasimada oo ay kaga qayb-galeen caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya oo la qabtay Khamiistii la soo dhaafay.

Shirkan, ayaa noqonaya kii labaad oo uu si toos ah uu ula yeelanayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kadib doorashadii dhacday 15-kii May.