Iska horimaad khasaare sababay oo dhexmartay ciidamo kawada tirsan Puntland

Boosaaso (Aftahannews)- Faah-faahin dheeraad ah, ayaa ka soo baxeysa is-rasaaseyn ka dhacday meel ku dhow xarunta PSF ay ku leedahay magaalada Boosaaso, oo dhex -martay ciidamada booliska iyo kuwa PSF. 

Dagaalka, ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan booliska Boosaaso ay tageen xeebta, halkaas oo maalinta Jimcaha ah ay dadka u damaashaad tagaan, waxaana uu khilaaf dhexmaray ciidamada PSF oo inta badan ilaaliya Xeebaha Gobolka Bari. 

Rasaasta labada ciidan dhex martay, ayaa sababtay dhimashada laba askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland, dhaawaca ilaa afar qof oo shacab ah iyo qaar kamid ah ciidanka PSF oo is rasaasaynta ku dhaawacmey. Tirada guud ee dhaawaca ayaa lagu sheegay toddoba qof.

Maalin kasta oo Jimce ah waxaa xeebta Boosaaso u dabaal taga dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo ku dabaasha meel ku dhow xerada PSF, ciidanka PSF, ayaa sugi jiray amniga dadka dabaalanaya xeebta, maadaama ay tahay meel aad ugu dhow xerada.

Ciidanka Booliska Boosaaso, ayaa wararku sheegayaan in ay tageen xeebta Jimcihii ka horreeyay kii shalay, oo sidan oo kale la isku maandhaafay laakiin ayna dhicin wax rasaas ah.

Si kastaba, Jimcihii labaad, ayaa xaaladu faraha ka baxday, markii ciidamo badan oo boolis ah halkaas tageen.

Labada dhinac ee shaqaaqadu dhex martay ayaan weli ka hadlin waxa sababay arrintan iyo sida wax u dhaceen. Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin iska hor-imaadka. Waxaana socda baadhitaan lagu ogaanayo sababta dhalisay xiisadda.