Fahad Yaasiin oo eedayn lagu qoslo u jeediyay Ra’iisal Wasaare Rooble

fahad-yaasiin

Muqdisho (Aftahannews)- Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay kiiska sarkaaladii ka tirsan hay’adda NISA ee Tahliil Faarax ee la sheegay inay dileen ururka Al-Shabaab.

Fahad Yaasiin, ayaa wareysi taxane ah oo lagaga qaaday ku shaaciyay xog ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil, isaga oo sheegay in mas’uuliyiin iyo dalal shisheeye ay iska kaashadeen kiiska Ikraan Tahliil Faarax, si sumcada looga dilo hay’adda Nabad Sugidda.

Fahad Yaasiin oo carab baabay dadkaasi, ayaa ku sheegay inay yihiin Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, sidoo kalena sheegay inuu wax ka ogaa ra’iisal wasaare Rooble.

“Gabadhaas gaadhi ayaa lagu qaaday nin xildhibaan ah oo la yidhaahdo Mahad Salaad baa lala kulansiiyay, isagaa gaadhi ku qaaday, gaadhigiibaa laga qaaday waxaa la geeyay Daaru-Salaam xaafad la yidhaahdo oo Xamar ku taalla oo dadka magaalada ugu ladan ay dagan yihiin gurigaas ayaa laga qaaday waxaa la mariyay Shabeelaha Hoose, meel Jilib u dhow ayaa la geeyay halkaas ayaana lagu dilay,” ayuu yidhi Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dilka gabadha uu fuliyay Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay aqoon isku leeyihiin Mahad Salaad.

“Nin la yidhaahdo Mahad Karataay oo madaxda Shabaabka ka mid ah ayaa howlgalka fuliyay oo xidhiidh dhow ay leeyihiin Mahad Salaad,” ayuu sii raaciyey.

“Ra’iisal wasaaruhuna wuu ka war qabay dhibaatadaas in loo geysanayaana. Aakhiro qofka gabadhaas la weydiinaayo waa Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, farsamada lagu fuliyayna Al-Cadaala ayaa iska lahaa gacanta fulisayna waa Mahad Salaad cida dishayna waa Al-Shabaab,” ayuu yidhi.

Fahad Yaasiin, ayaan sidoo kale shaacin dalalka uu sheegay inay ka qayb-qaateen dilka Ikraan, balse wuxuu tilmaamay inay yihiin labada dowladood.

“Waa laba dowladood, hadda ma rabo inaan magacyadooda sheego dadka Soomaaliyeedna waa fahmayaan,” ayuu yidhi Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin, ayaa wuxuu sheegay in kiiska Ikraan Tahliil dartii uu isagu halis badan u galay, islamarkaana lagu celiyay waddanka Jabuuti, xilligaas oo uu doonayay sida uu sheegay inuu kiiskan Ikraan Tahliil horgeeyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya.

Fahad Yaasiin, ayaa hore mas’uuliyiinta uu hadda eeddaha u jeediyay ay kiiska Ikraan Tahliil dhabarka u saareen isaga iyo hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee Nisa.