Imtixaanka shahaadiga ah oo ka bilowday Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa maanta guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland si rasmi ah uga bilowday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 4-aad iyo fasalada 8-aad ee dugsiyada sare iyo dhexe.

Imtixaanaadkan saaka ka bilowday Somaliland, waxaa magaalada Hargeysa si rasmi ah uga daah-furay Wasiirka Wasaarada Waxbarshada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno iyo Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaarada waxbarashadu.