Qorshaha Madaxweynaha Cusub Ee  Soomaaliya Ka Leeyahay Somaliland

Muqdisho (Aftahannews)  – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Maanta si rasmiya xilka ugala wareegay Madaxweynihii ka horreeyay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyey Munaasibaddii lagu caleemo-saaray, ayaa soo hadal-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay in Dawladdiisu ka shaqayn doonto sidii loo sii wadi lahaa Wada-hadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya uga Gol leeyihiin inay isku soo dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan bogaadinayaa degaanshaha iyo Horumarka Somaliland, waxaanu diiradda saari doonaa sii wadidda Wada-hadallada, iyadoo mar walba laga jawaabayo xaqa ay leeyihiin Walaalaha ku nool Waqooyiga (Somaliland), waxaanu ka hor-tagi doonaa wax kasta oo caqabad ku noqon kara dib u heshiisiinta dadkeena, si ay iskugu soo dhawaadaan dadkeenu dhammaantood…”

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office