Somaliland Oo Farriin U Dirtay Aqalka Odayaasha Ee Maraykanka

Washington (Aftahannews) – Dawladda Somaliland, ayaa farriin muhiim ah u dirtay Golaha Odayaasha ee Maraykanka ee loo yaqaano Senate-ka, waxayna ku dhiirigeliyeen inay meel-mariyaan xeerka Iskaashig Somaliland iyo Maraykanka, kaasi oo uu Gole-weynaha Odayaasha u gudbiyeen Guddiga Arrimaha dibedda ee Golahaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland jeceshahay in xeerkaasi uu dhaqan-galo, sidaasi darteed ay Xildhibaannada Golaha Senate-ka ku boorinayaan inay meel-mariyaan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa sheegtay in xeerka Iskaashiga Maraykanka la curiyey bishii March ee sannadkan 2022-ka, ka dib markii uu Washington DC safar ku tagay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ansixinta Xeerkani taageeri doono inuu sii ballaadho iskaashiga dhinacyada badan leh ee Maraykanka iyo Somaliland u dhexeeya iyo waxyaabaha ay wadaagaan ee labadoodaba dantu ugu jirto.

“Somaliland waxay Guddiga arrimaha dibedda ee Golaha Senate-ka Maraykanka ku dhiirigelisay Inay meel-mariyaan Xeerka Iskaashiga Somaliland..” ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Sheekh Cumar Good sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaanu intaa ku daray in Somaliland ay Golaha Senate-ka iyo Xildhibaannada Saaxiibka la ahba uga Mahad-celinayso juhdiga ay gelinayaan sidii sharcigani u hirgeli lahaa, maaddaama oo uu wax ka tarayo in Somaliland iyo Maraykanku wada-jir uga shaqeeyaan arrimaha ay ka mid yihii amniga badda, si looga hor-tago Budhcad-badeedda iyo dadka Tahriibiya dadka, taasi oo qayb ka ah dedaallada khataraha lagaga samata-bixinayo marin-biyoodka uu maro ganacsiga u kala socda bariga Afrika iyo Adduunka Intiisa kaleba.

Qorshaha Senate-ka Maraykanka, ayaa ah Inay xeerkan ansixiyaan 9-ka bishan June 2022.

Aftahannews.com/Hargeisa Office