Mid ka mid ah Generaalada ugu sarreeya ee Moscow oo Ukraine lagu dilay

Moscow (Aftahannews)- Warbaahinta dowladda Ruushka, ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah generaalada ugu sarreeya ee Moscow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov, ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka, ayaan weli ka hadlin wararkan.

Militariga Ukraine, ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.