Madaxweyne Biixi: Ma waxaanu u dagaalanay in aanu hogaamiyayaal noqono?

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay su’aalo la xidhiidha nabada, dhaqaalaha iyo dimuquraadiyada oo lagu waydiiyay shirka caalamiga ah ee nabada iyo dowlad dhiska Afrika oo Hargaysa ka soconaya maalintii labaad.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay sida ay ku suurogashay maalgashiga balaadhan ee Waddanka Imaraatku ku sameeyay Dekedda Berbera, ayaa ku jawaabay in nabada iyo wadajirka bulsho ee Somaliland ka jira ay soo jiidatay in dhaga maalgashadayaasha.

“Dadka Somaliland waxay aaminsanyihiin in nabadu ay tahay muhiimadooda kowaad, markaa taas ayaa soo jiidatay dowlado badan iyo hay’ado, in ay na aaminaan oo ayna maal gashadaan, mashruuca Berbera wuxuu tusaale u yahay nabada iyo is aaminaada ka dhexaysa umada Somaliland” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay sida uu u malaynayo in ay Somaliland aqoonsi ku gaadhi karto, ayaa sheegay in guddaha oo la hagaajiyaa ay keeni doonto aqoonsi caalami ah.

“Waxaanu aaminsanahay in aqoonsiga lagu gaadhi karo guddaha oo la hagaajiyo, maaha dibadda, ma rajaynayno in dowladi iska tidhaahdo waanu aqoonsanaynaa Somaliland, waxaanu aaminsanayay in aanu gurigayaga nadiifino marka hore, oo aanu adduunka tusno in Somaliland la aamini karo, oo lala shaqayn karo” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Biixi oo wax laga waydiiyay hadii Somaliland ay tusaale u noqon karto dowlada Soomaaliya, ayaa ku jawaabay “Waxaanu rajaynaynaa in aanu Soomaalida oo kali ah maahee, aanu badanka waddamada Afrika tusaale u noqono, haday noqoto siyaasada, dhaqanka, dhaqaalaha iyo nabada”.

Heesaaga caan ka ah ee reer Uganda, ahna hogaamiyaha mucaaradka dalkaa Robert Kyagulanyi Ssentamu ee loo garan ogyahay Bobi Wine, oo kamid ah ergada shirka lagu soo casuumay, ayaa Biixi waydiiyay, sababta keentay in SNM xukunka gacmaha shacabka ku celiso, madaama inta badan hogaamiyayaasha xoriyadu ay marka ay xukunka qabtaan xoog ku haystaan sida Yoweri Museveniga Uganda.

Maxweyanaha oo su’aashan ka jawaabay, ayaa yidhi “Ka hogaamiyayaashi SNM ahaan, xeerkayaga kowaad waxa uu ahaa, in aanu u halgamayno xornimo, oo aanu la dagaalamayno hogaamiye macangag ah, waxaan nidhi maxaynu u dagaalamaynaa? Ma in dadku mustaqbalkooda iyagu go’aan ka gaadhaan mise in aynu noqono hogaamiyayaal” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Intan kumay koobnayn su’aalaha la waydiiya madaxweynaha Somaliland, lakiin waxay ahaayeen kuwii ugu mudnaa ee madaxweynaha ay waydiiyeen ergada ka qayb galaysa shirka nabada iyo dowlad dhiska Afrika oo uu soo qaban qaabiyay machadka  laga leeyahay Koonfur Afrika ee The BRENTHURST Foundation ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills.