Muuse Geelle oo soo bandhigay sababtii Fahad Yaasiin looga reebay doorashada

Muuse Geelle oo soo bandhigay sababtii Fahad Yaasiin looga reebay doorashada

Muqdisho (Aftahannews)- Guddoomiyihii guddiga doorashooyinkii dadbanaa ee Soomaaliya Muuse Geelle Yuusuf, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay kursigii ugu muranka badnaa doorashada ee Beledweyne uu ka soo qaatay Fahad Yaasiin, kaas oo ilaa hadda loo dooran xildhibaan rasmi ah.

“Kursigaas wuxuu ka mid ahaa kuraas uu habraaca doorashadu ka qaldamay, beel ayaana iska laheyd oo ilaa hadda laga war sugaa, beesha ayaa laga doonayaa inay qof u doorato kursigaas HOP086,” ayuu yidhi Muuse Geelle Yuusuf.

Muuse Geelle, ayaa sheegay in Fahad Yaasiin ayna gaar u beegsan, laakiin kursigaas uu ka mid noqday kuwo ku soo baxay xaalado aan fiicnayn oo indhaha ay ka eegi waayeen, “kadibna amar ayaan bixinay ahaa in doorashada kuraastaas lagu noqdo, waana lagu noqday qaarkood.”

Markii ay Baydhaba u tageen xalinta kuraastii kale ayuu sheegay in arrinta kursiga HOP086 ay maxkamadda sare jirtay, taas oo dacwo uu u gaystay Fahad Yaasiin, sidaasna ay ku dhaafeen.

Muuse Geelle, ayaa sharaxay caqabadihii ugu waaweynaa ee qabsaday, isagoo sheegay in mar kaliya ayna faro gelin ka nasan.

“Qolo kasta waxay naga hor istaageysay wixii ayna u arkeyn in danu ugu jirto, xitaa beesha caalamka ayaa faro gelinta qeyb ka aheyd, dowladaha caalamka qaar waxay doonayeen in hoggaamiyaashii hore ee dowladda ay meesha ka baxaan, qaarna waxay doonayeen inay xukunka ku soo laabtaan,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Geelle.

Wuxuu sheegay in wax faro galin ah oo ay dhibsadeen ayna kala kulmin Ra’iisal Wasaare Rooble, isla markaana ay iyagu gaadhayeen go’aanadii doorashada, halka Ra’iisal Wasaaruhu uu ahaa hoggaamiyaha guud ee doorashada Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyey eedeyntii Madaxweyne Laftagareen ee aheyd ‘warqadaha guddiga doorashooyinka meelo kale ayaa looga soo qoraa Muuse Geelle’ ayuu ku jawaabay, “Laftagareen marar badan ayuu waxaan jirin igu eedeeyey, weligii Raysal Wasaaruhu wax nooma soo qorin, marka waa dacaayad nagala faafiyay.”

Muuse Geelle, ayaa sheegay in doorashadan ay ahayd tii ugu dhibka badneed, laakiin ay noqotay tii ugu laaluush bixin yarayd, isagoo tusaale u soo qaatay kaalintii ay ku lahaayeen golaha wadatashiga qaranka oo ka baaraan degay arrimaha laaluushka.