Haweenay maalmo lagu la’aa Baydhabo oo Meydkeeda la helay

Baydhabo (Aftahannews)- Ciidanka hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa helay meydka haweenay maalamahan lagu la’aa gudaha magaalada baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulkaasi.

Haweenayda maanta meydkeeda la helay, ayaa la waayay maalintii Jimcaha ahayd ee aynu soo dhaafnay.

Ciidanka hay’adda oo maalmihii u danbeeyay waday baadhitaan ku aadan qaabka loo waayay haweenaydan, iyadoo aan la ogeyn nolol iyo geeri waxaa ay ku sugan tahay Amino maxamed malaaq ayaa ciidanku waxaa ay ka soo heleen Meydkeeda iyadoo la dilay, kadibna lagu riday Boosaneer guri ku yaala xaafada buula jimeec.

Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sidoonka Koonfur Galbeed oo ku sugnaa goobta meydka haweenayda laga helay, ayaa sheegay in ciidanka ay hada gacanta ku hayaan Maxamed Xasan Maxamed Aadan loo yaqano Goomey oo looga shakiisan yahay in uu ka dambeeyo dilka marxuumadda.

Sidoo kale, Sheekh Cali Cabdiraxmaan Axmed oo ah seyga Amiina Maxamed Cismaan oo meydkeeda laga dhex helay boosaneerka guri ku yaalla Baydhabo ayaa ka warramay sida uu u dhacay baadhitaanku.

Wuxuuna sheegay in xaaskiisa la la’aa ilaa galabkii Jimcaha. “Waxaa la la’aa laga billaabo 2:30 pm Jimcihii, Sabtidii oo dhan baa la la’aa. Kaddib waxaa la helay galabkii Axadda,” ayuu yidhi Sheekh Cali.

Wuxuu xusay in loo tagay shirkadda isgaadhsiinta ee ay telefoonkeeda adeegsaneysay xaaskiisa, kaddibna la tixraacay lambarradii u dambeeyay ee ay la xidhiidhay. Waxaa lala xidhiidhay bajaajle ay hal doollar u dirtay, kaas oo tilmaamay guriga uu geeyay.

Booliska oo baadhitaanka qayb ka ahaa, ayaa tagay guriga, halkaas oo lagu arkay waxyaabo laga shakiyay.