Xog: Madaxda ka soo qayb gelaysa caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa qaban-qaabada xafladda caleema saarka madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhacaysa 9-ka bishan Juun.

Wafuuda ka qayb galaysa xafladda caleema saarka madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa diyaar garow xooggan ugu jira soo dhowayntooda, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafuudan, ayaa inta ilaa iyo hadda la xaqiijiyay ee magaalada Muqdisho soo gaadhay waxaa ka mid ah wefdi u hordhac u ah oo ka wakiil ah qaar kamid ah madaxda Afrikaanka ee lagu casuumay xafladda caleemo saarka madaxeynaha sida madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxdan xafladda ka qeyb galaysa ee ilaa iyo hada si rasmi loo xaqiijiyay waxaa ka mid ah:-

1-  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta                 

2- Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

3) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Geesta kale, Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki, ayaa ilaa iyo hada la xaqiijin inuu ka soo qeyb gelayo xafladda caleema saarka madaxweyaha Soomaaliya.

Isaias Afwerki, ayaa waxaa uu ka mid ahaa madaxdii sida weyn ugu dhaweyd madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee lagaga adkaaday doorashadii Soomaaliya ka dhacday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.