Home Wararka Askar ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo xukun lagu riday

Askar ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo xukun lagu riday

Muqdisho (Aftahannews)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, Qeybta 27-aad, ayaa waxay maanta xukuno kala duwan ku riday afar Askari oo ka kala tirsan Ciidamada xoogga iyo Nabad-sugida Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dambiyo islamarkaana baadhitaano lagu sameeyay.

Askarta maanta la horgeeyay kiiskooda Maxkamadda, ayaa lagu helay inayka geysteen degmada Doolow falal iskugu jira dil iyo dhac.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 27-aad waxaa ay dil toogasho ah ku xukuntay Dable NISA Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xooga Salmaan ibraahin Shire Weelfuratey, halka Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumey Sadddex sano oo xadhig ah, Sidoo kale Sharmaake Muxumed Cali, ayaa isna lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

Degmada Doolow oo ka tirsan Gobolka Gedo deegaano hoosyimaada iyo kuwa kale waxaa ka dhaca dilal ay geystaan Ciidamo ku lebisan dharka ciidanka qeybihiisa kala duwan.

Waxaase suurta gasha in qaarkood gacanta lagu soo dhigo oo maxkamadda Ciidamada la horgeeyo islamarkaana ay xukuno ku rido, inkastoo mudooyinkii dambe laga raystay, sida ay sheegeen shacabka ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Gedo.