Somaliland: Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Muuse Biixi oo is-casilay

Somaliland: Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Muuse Biixi oo is-casilay

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiir ku xigeenkii Degmooyinka iyo Gobollada ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid, ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa uu wasiir ku xigeenku sheegay in maanta laga bilaabo uu baneeyay xillkii wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

“Laga bilaabo manta waxaan iska casilay xilkii wasiir ku xigeenimo ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland”. ayuu yidhi wasiir Cabdinaasir Caydiid.

“Xilka wasaaradda waxaan hayay muddo saddex sannadood iyo badh ah, cidkasta oo aanu wada shaqeynaynaa waan u mahad celinayaa, madaxweynaha Somaliland ee xilka ii igmadayna waan uga mahadcelinayaa, sababo aniga ii gaar ah ayaan iskaga casilay maanta xilkii aan hayay,”. ayuu intaasi sii raaciyay wasiir ku xigeenku.

Sikastaba, iscasilaadda wasiirkan, ayaa ku soo aadaysa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu u dhexeeyo xukuumadda Muuse Biixi iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kaasi oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka Somaliland.