Golaha Wakiillada Somaliland oo cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay 3 xubnood

Hargeysa (Aftahannews)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta waxaa ay cod Aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo kamid ah guddida diiwaan-galinta ururada siyaasadda.

Saddexdan xubnood ee maanta la ansixiyay oo hore u waayay kalsoonida xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa Golaha Wakiillada dib ugu soo celiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Saddexdan xubnood, ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen todobada xubnood oo guddida diiwaan-galinta ururada oo ay hore afar ka mid ah ay goluhu u ansixyeen, halka sadexdaa xubnood dib loogu celiyay madaxweynaha Somaliland.

Ansixinta Sadaxdan xubnood, ayaa ka dhigan in sidaasi ku dhamaystirantay guddida diiwaan-galinta ururada iyo asxaabta Somaliland.