Maxay ka wadahadleen Wasiir Keyd iyo Waxgaradka Somaliland ee UK?

London (Aftahannews) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa waxaa uu kulan is-xogwareysi la yeeshay waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka iyo Qurbajooga Somaliland ee dalka Ingiriiska.

Kulankan, wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka iyo Qurbajooga Somaliland ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Cabdi Cabdilaahi Dayax-weerar, iyadoo ayna ka soo qeybgaleen xubno ka koobnaa jaaliyadda guud ee SSA iyo Jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Ingiriiska.

Gudoomiyaha Jaaliyadda guud ee SSA oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo Safiirka UK  Dayaxweerar, oo fududeeyay in jaaliyadda iyo wefdiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd, kulmaan, shaqooyin badana la’aantii ka suurtoobeen dalka Ingiriiska.

Safiirka Somaliland ee Ingiriiska Cabdi Cabdillahi Dayax-weerar oo hadal ka jeediyay kulankaasi, ayaa sheegay inay kulanka ku soo casuumeen xubno metelaya dhamaan jaaliyadaha dalka Ingiriiska.

Waxuuna sheegay in kulanku daaranaa sidii ay jaaliyaddu u sii sagootin lahaayeen wefdiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd oo dalka ku soo noqonaya, dhinaca wefdiguna ugu waramaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo hadal u jeedinayay kulankaasi jaaliyadda, ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland meel fiican marayso, isla markaana maalin walba wefdiyo cusub booqasho ku tagaan dalka Somaliland.

“Nabada iyo xasiloonida Ilaahay mahadii Somaliland ka jirta ayaa keenay in caalamku xiiseeyaan Somaliland. Waa dal bogcad istaraatiiji ah ku yaala oo dad-is-ogol ku noolyihiin.”.Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Wasiir Ciise Keyd, ayaa sheegay in siyaasadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa waxqabadka iyo waxtarka Jaaliyaddaha, si ay wadamada ay joogaan ay codadkooda ugu faa’iideeyaan dalkooda.