Al-Shabaab oo qarax la beegsatay xildhibaan ka tirsan Kenya

Gaarisa (Aftahannews)- Wararka ka imanaya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in ciidamo galbinayay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi, qarax nooca miinada ah lagula eegtay duleedka magaalada Gaarisa.

Qaraxa, ayaa qabsaday mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada Booliska Kenya oo ilaalinayay xildhibaan Ibraahim Cabaas iyo wefdigiisa oo marayay wadada Ijara.

Qaraxaas, ayaa Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, waxaana qaraxa ka bad-baaday xildhibaankii la socday gaadiidkaasi.

Askarta ay waxyeelada dhaawac ah soo gaadhay, ayaa la geeyey Manda Bay, si loogu daaweeyo xaaladdooda caafimaad, maadaama qaarkood ay halis yihiin.

Sidoo kale, waxaa goobta gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo weerarka qaraxa ah, kadib howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi.

Wararka, ayaa sidoo kale sheegaya in xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ay hadda deggan tahay mana jirto cid ay falkaas u soo qatbteen saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Kenya.

Weerarada noocan oo kale ah waxaa inta badan dalka Kenya ka fuliya Kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.