Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Gurmad Caafimaad u Fidisay Fardo ku Dayacnaa Degmada Dacart

Dacarta (aftahannews):- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, ayaa gurmad Caafimaad u fidisay Fardo Abaar iyo Xanuuno ku waxyeeleeyeen Degaanka Dacarta ee Gobolka Maroodi-jeex.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, ayaa markii ay soo gaadhay Qaylo-dhaanta Fardahan Xanuunnada la ildaran isla-markaana abaarta iyo gaajadu ugu biirtay, waxay u dirtay dhakhaatiir ka mid ah xanaanada xoolaha Somaliland.

Dhakhaatiirta Xanaanada Xoolaha, ayaa Fardahan oo gaadhaya 30 waxay u sameeyeen baadhitaano Caafimaad, markaasi ka dibna waxay ku mudeen daawooyin Caafimaadkooda wax ka Tara, sidoo kalena waxay siiyeen Dawooyin Fiiramiin ah oo loogu Talo-galay inay dib u soo celiyaan awoodda jidheed ee Xoolaha guud ahaan iyo gaar ahaan Fardahaasi.

Dhakhaatiirta oo markii ay ka soo laabteen socdaalka gurmadka ah ee ay ku tageen Degmada Dacarta, waxay faahfaahin ka bixiyeen adeegyadii ay u qabteen Fardaha Xanuunsaday isla-markaana Abaarta awgeed Gaajadu waxyeelaysay.

“Markii aanu degmada Dacarta, Waxaanu baadhitaan ku samaynay Fardaha,  waxaanu ogaanay inay qabaan xanuunka Xoolaha ku dhaca ee loo yaqaano “Caalka” iyo nafaqo-darro, markaas daaweyn ayaanu u samaynay..” ayuu yidhi Dr. Cabdirisaaq Cumar Cabdi, waxaanu intaa ku daray In Fardaha oo tiradoodu tahay illaa 30 ay hadda Xaaladdoodu wanaagsan tahay, inkasta oo dhibaatada ugu weyn ee haysaa tahay Calaf la’aan, maaddaama oo degaankaasi ka mid ah degaannada Abaartu ka jirto, dadkii daryeeli lahaana ay kaga mashquuleen bedbaadinta Xoolahooda kale.

Dr. Cabdikhaaliq Faarax oo isaguna ka mid ah dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland ee gurmadkan ka qayb-qaatay, ayaa sheegay In loo baahan yahay in Cid kastaa ka qayb-qaadato sidii Fardahaa oo Qaranku wada leeyahay loogu heli lahaa Calaf ay ku noolaadaan, maaddaama oo ay xilliganba ku nool yihiin Raashin la siiyo, maaddaama oo aanu jirin calaf kale oo ay u hayaan dadka ka masuulka ahi.